Imaaraadka oo Lacagta ka jaray Falastiiniyiinta kadib heshiiskii Israel

Israel, Mareykanka iyo Falastin
Israel, Mareykanka iyo Falastin

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa jartay lacagtii ay ku maal-gelin jirtay hay’adda QM ee qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta 2020-kii, sanadkaas oo Imaaraadka ay heshiis taariikhi ah oo ay xidhiidh kula yeesheeen la galeen Israel.

Hay’addan oo loo yaqaan UNRWA ayaa waxbarasho, daryeel caafimaad iyo adeegyo kale oo muhiim ah siisa 5.7 milyan oo ah qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku kala sugan dhowr dal oo bariga Dhexe ah.

Imaaraadka ayaa 2018 iyo 2019 waxay hay’addan ku tabaruceen 51.8 milyan oo dollar sanadkiiba, hase yeeshee waxay 2020 bixiyeen kaliya 1 hal milyan, sida uu xaqiijiyey afhayeenka hay’adda Sami Mshasha, kadib markii arrintan ay shaaciyeen warbaahinta Israel.

Israel, Mareykanka iyo Falastin
Israel, Mareykanka iyo Falastin

“Waxaan rajeyneynaa in 2021 ay lacagtaas dib ugu laaban heerka sandihii hore,” ayuu yidhi.

Saraakiisha Imaaraadka Carabta, weli kama jawaabin shaac ka qaadistan.

Sanadkii tegay, Imaaraadka Carabta ayaa caadiyeeyey xidhiidhka Israel, isaga oo jebiyey faham guud oo sanado badan ay Carabta qabeen oo ah in aqoonsiga Israel uu ku xidhan yahay hanaanka nabadda Falastiin.

Maamulka Trump ayaa 2018-kii joojiyey lacagtii uu Mareykanka ku deeqi jiray hay’adda UNRWA oo sanadkii aheyd 360 milyan oo dollar. Is kataba maamulka Biden ayaa sheegay inay dib u billaabi doonaan lacagtaas.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.