Golaha Guurtida oo Ansixiyey Ajandaha Kal-fadhigooda 74aad

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyey ajandaha kalfadhigooda afar iyo toddobaatanaad.

Fidhigan oo uu shirgudoominayey guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaas mudane Siciid Jaamac Cali, waxaana fadhigaas ka soo xaadiray 42 mudane, iyaga oo cod gacantaag ah u qaaday ansixinta ajandaha kalfadhigooda 74aad, waxaana ogolaada 39 xildhibaannada, halka uu diiday hal mudane, iyada oo uu ka aamusay hal xildhibaan guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayaanu ka ansaxay ajandaha kalfadhiga afar iyo toddobaatanaad ee golaha guurtidu.

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Waxaana ajandaha afar iyo toddobaatanaad ee goalaha guurtida ka mid ah qodobo muhiim u ah qaranka oo ay ka md yihiin siyaasadda arrimaha gudaha, arrimaha dibadda, nabadgalyada, arrimaha bulshada, deegaanka iyo dhaqaalaha dalku.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.