Dowladda Waqtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya oo ka Jawaabtay eedaymaha Mucaaradka

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda waqtigeedu 8-dii bishan ku dhammaaday ee Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka jawaabtay eedeymaha uga imanaya mucaaradka iyo muddo xileedka dhamaaday ee madaxtooyada iyo sharciyan cidda ay tahay in ay badasho hay’addaha dowladda ee wakhtigoodu dhamaaday.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimaw, ayaa sheegay in marnaba sharciyad ku fadhiyin sida uu hadalka u dhigay hadallada siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Wuxuu sheegay Macalimuu in Baarlamaanka Soomaaliya hore u meel mariyay qaraar dhigaya in hay’addaha dastuuriga ah ee hadda jira sii shaqeynayaa ilaa laga helayo hay’addo kale oo badala kuwaa oo ku imanaya doorasho.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu

”Baarlamaanku wuxuu hore u meel mariyay in Baarlamaanka hadda jira uu badalayo oo kaliya mid kale oo la soo doortay, madaxda kale ee iyo hay’addaha kale ee dowladdana waa la mid ” ayuu yidhi Afhayeenka xukuumadda.

Macalimuu ayaa intaa ku darray in mar walba dowladdu diyaar u tahay wada hadal kasta oo lagu xalinayo ismari-waaga doorasho ee jira.

Hadalka afhayeenka xukuumadda ayaa imanaya xili qoraal is daba joog ah oo ka soo baxay midowga musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah looga digay madaxda Qaranka muddo korarsi iyaga oo ugu baaqay madaxweynaha in uu xafiiska banneeyo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.