Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka oo sheegay in Soomaaliya uu ka jiro Musuq-maasuq weyn

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji

Muqdisho (Aftahannews)- Wasiirka waxbarashada dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya uu ka jiro musuq-maasuq weyn oo u baahan in wax laga qabto.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay kulankii ay maanta yeesheen xildhibaanada golaha shacabka, ayaa sheegay inay jiraan musuq-maasuq waxbarasho oo la xidhiidha iskuullada iyo jaamacadaha, balse dadka Soomaalida ay musuq u yaqaanaan kaliya in lacag la lunsado.

Wasiirka wuxuu sheegay iney markhaati u noqdeen arday badan oo dooneysay iney dhigtaan jaamacado balse aan heysan shahaado dugsi sare, taasna ay qeyb ka tahay musuqa lagu hayo waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji

Sidoo kale, wuxuu sheegay in wasaaradiisa ay u istaageyso iney wax ka qabato musuqa ka jira dalka ee dhanka waxbarashada, waxeyna arrintaan kusoo beegmaysaa xilli Soomaaliya ay ka jirto marxalad kala guur ah.

Cabdullaahi Abuukar Xaaji waa wasiirkii saddexaad ee wasaaradaan loo magacaabo mudadada dhamaatay ee afarta sano oo uu madaxtooyada joogay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna dhowr bil ka hor xilkan kala wareegay Cabdullaahi Goodax Barre.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.