Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo shir u gaar ah ku yeeshay Dhuusomareeb

Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Soomaaliya
Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Soomaaliya

Dhuusamareeb (Aftahannews)- Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Soomaaliya ayaa ku shiray magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug, kadib markii uu fashilmay shirkii iyaga iyo madaxweynaha Soomaaliya kaga arrinsanayeen khilaafka doorashada.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in madaxweynayaashu caawa soo saari doonaan war-murtiyeed ku aadan xaaladda doorashada iyo kaalintooda kaga aadan sidii looga hortagi lahaa in dalka galo jahwareer siyaasadeed.

Waa shirkii ugu horeeyay oo ay madaxda dowlad goboleedyadu u dhan yihiin tan iyo intii ayna siyaasada ku kala qeybsamin, wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo ay saacaddo ka hadhsan yihiin muddo xilleedka madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Soomaaliya
Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Soomaaliya

Puntland ayaa sheegtay caawa wixii ka dambeeya in ay madaxweyne Farmaajo u aqoonsan yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayna rajo fiican ka filayaan waxa ka soo baxa shirka magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo gogasha shirkan dhigay, ayaa iskudayaya in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada horseed ka noqdaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan in doorashada lagu heshiiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay si kedis ah uga duulay magaalada Dhuusomareeb, waxyar kadib markii lagu kala dareeray shirkii uu lalahaa shanta madaxweyne iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.