Faysal Cali Waraabe oo Muruqmaalka Wajaale u Ballan-qaaday inuu Ka Qabanayo Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar oo ay Ka Cawdeen

Wajaale (Aftahannews)- Toddobaadyo ka hor, waxa Gaadiidleyda Wajaale ka soo daabula Khudaarta laga keeno dhinaca dalka Itoobiya ay cabasho xoog leh ka muujiyeen in Muwaadiniin reer Somaliland ahi ka shaqaynayaan sidii Gaadiidka Itoobiya ugu samayn lahaayeen Taarikada Somaliland, si ay iyagu khudaarta toos ugu geeyaan Gobollada Somaliland.

Gaadiidleyda oo ay Wehelinayaan Muruqmaalka ama Xamaaliinta Khudradda ugu kala wareejiya Gaadiidka Itoobiya ka keena iyo kuwa gudaha Somaliland soo geliya, ayaa waxay Dibed-bax cabasho ah ka dhigeen Magaalo-Xuduudkeedka Wajaale, iyagoo sheegay in Maamulaha Shirkadda Daabacadda ee Sagal Jet Cabdi Yuusuf Aar uu ka dambeeyo ama uu Masuul ka yahay arrintan, waxaanay Baaq u direen Laamaha Dawladda ee arrintani khusayso.

Dibed-baxaasi ka dib, waxa Gud diga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ay u yeedheen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin, oo ay wax ka weydiiyeen waxa uu kala socdo cabashada Muwaaddiniinta Gaadiidleyda ah, kuwa khudradda iibiya iyo Muqurmaalka quutal-daruuriga kala soo bixi jiray kala wareejinta qudaarta. Hase-yeeshee, Wasiirka oo kulanka uu la yeeshay Guddiga Joogtada ah ka dib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in aanay weli Xafiiskiisa ugu imannin cid qabta cabasho khusaysa Gaadiidka Khudaarta ka keena dhinaca Itoobiya ee Muwaaddiniinta gaadiidleyda ahi sheegayaan in loo samaynayo Taarikooyin, si iyaga shaqadooda loo curyaamiyo. Waxaanu ku dooday.

Geesta kale, Ganacsadaha Gaadiidlayda iyo Muqurmaalku ku eedeeyeen inuu Shirkad u samaystay shaqooyinkii ay yoomiyaha ka heli jirineen ee Cabdi Yuusuf Aar, ayaa illaa hadda ka hadal amma aan wax jawaab ah ka bixin eedaymahaas iyo jiritaankooda toona.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo Shalay tagay Magaalada Wajaale, ayaa kulan la yeeshay Gaadiidlayda Magaalada Wajaale ka soo qaada Khudaarta Itoobiya laga keeno ee hore cabashada Warbaahinta u mariyey.

Faysal, ayaa Gaadiidleyda kala sheekaystay cabashadii ay qabeen, waxaanu u ballan-qaaday inuu arrintaa kala hadlayo Muwaadinka laga cabanayey oo ah Mulkiillaha Shirkadda Sagal Jet cabdi Yuusuf Aar, si uu xal ugu raadiyo cabashadooda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.