Qaramada Midoobay oo dowladda Soomaaliya ku cadaadisay inay mamnuucdo gudniinka Fircooniga ah

Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA ee Soomaaliya, Anders Thomsen
Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA ee Soomaaliya, Anders Thomsen

Muqdisho (Aftahannews) – Qaramada Midoobay ayaa mar kale ku celisay codsigeeda ah in dowladda Soomaaliya ay soo saarto sharci lagu joojinayo ku dhaqanka gudniinka fircooniga ah ee dumarka waxyeeleeya.

“Gudniinka Fircooniga ah waa dhaqan waxyeello leh oo cabsi geliya gabdhaha iyo haweenka khatarna geliya caafimaadkooda noloshooda iyadoo laga duudsiinayo xuquuqdooda loona diidayo fursad ay ku gaadhaan awooddooda buuxda,” ayuu yidhi Anders Thomsen, oo ah wakiilka hay’adda Qaramada Midoobay (UNFPA) ee Soomaaliya.

Bayaan ku saabsan Maalinta Caalamiga ah ee Dulqaad la’aanta Gudniinka Fircooniga ayaa dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay meel mariso sharciga FGM iyo Hindise Sharciyeedka Xadgudubyada Jinsiga una ilaaliso xuquuqda ay leeyihiin gabdhaha iyo haweenka.

Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA ee Soomaaliya, Anders Thomsen
Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA ee Soomaaliya, Anders Thomsen

Sida lagu sheegay sahankii ugu dambeeyay ee Caafimaadka iyo Dadka, 99% haweenka da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 jir ayaa lagula kacay dhaqanka gudniinka fircooniga.

Hadafkeena koowaad ee wakhtigan waa inaan la kulanno waalidiinta Soomaaliyeed oo aan u sheegno halista iyo dhibaatooyinka caafimaad ee gudniinka fircooniga ah, iyo sida dhabta ah ee ay khatar ugu tahay gabdhahooda, ”ayuu Hussein Mohamed, oo ah aasaasaha ururka Stop FGM Somalia, u sheegay Anadolu Agency.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.