Taliyihii ciidanka Nabadsugida degmada Dhuusa-Mareeb oo Qarax miino lagu dilay

Taliyihii ciidanka Nabadsugida degmada Dhuusa-Mareeb
Taliyihii ciidanka Nabadsugida degmada Dhuusa-Mareeb

Dhuusamareeb (Aftahannews) -Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay taliyaha Ciidanka Nabadsugida degmada C/rashiid Cabdi Nuur Shiiqdoon kaddib markii gaadhi uu la socday lagu bartilmaameedsaday qaraxa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in taliyaha iyo ilaalo la soctay lagu bartilmaameedsaday xili ay marayeen meel ku dhow deegaanka Ceeldheere oo 30-KM u jirta magaalada Dhuusamareeb.

Taliyihii ciidanka Nabadsugida degmada Dhuusa-Mareeb
Taliyihii ciidanka Nabadsugida degmada Dhuusa-Mareeb

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in qaraxan ay sidoo kale ku dhinteen ilaa 14 ruux oo ciidamo ah ay ku dhinteen.

Qaraxa kaddib ayaa deegaanka Ceeldheer lagu waramayaa in uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dagaalka ka qarxay deegaanka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.