Muqdisho: Askari Boolis Ah Oo Magaalada Lagu Dhex Toogtay

Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa toogasho ay kooxo hubeysan maanta ka geysteen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay jid-cadaha mara dhabarka dambe ee Suuqa Weyn, gaar ahaan dhanka xaafadda Aargada, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in askariga oo marayey waddada dhinaceeda ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen rag ku hubeysnaa bistoolado, waxaana ay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, taas oo sababtay in isla goobta uu ku geeriyoodo marxuumka.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo meydka ka qaaday halkaasi, kadibna sameeyey baaritaano kooban.

  Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana laga maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada ammaanka, iyadoo muddo kooban uu hakad galay dhaq-dhaqaaqa.

Maamulka degmada Wadajir iyo saraakiisha ammaanka dowladda Soomaaliya weli kama hadlin dilka qorsheysan ee loo geystay askarigaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho oo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ay ka socdaan ka dhacayey falal ammaan darri, sida dilal & qaraxyo.

Xigasho caasimad online