Faysal Cali Waraabe muxuu ka yidhi Fashilka Shirkii Dhuusa-mareeb?

Faysal Cali Waraabe
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Aftahannews) — Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka hadlay fashilka shirkii Dhuusamareeb ee u socday xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul goboleedyada.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay goob fagaare ah ayaa sheegay in shirkii Dhuusa-mareeb uu fashilmay kadib markii lagu heshiin wayay sida loo qaybinayo kuraasta ay hellayaan xildhibbannada kasoo jeedda Somaliland.

“Waxa la leeyahay xildhibaannadii Somaliland baa lagu heshiin wayay bal horta aqliga aynu u tagnay eega Illahayban iddinku dhaarshee, aqliga aynu bariggii ku darsanay ee aynu nidhi Soomaali baa layidhahdaa, waa aqliga inaga oo halkan joogna 57 shaqo tagay leh waa xildhibaannaadii Somaliland, inagu walaal waxkale uma jeednee qaranimadeeni baynu soo ceshanaynaa, saw Jabuuti qaranimadeedi may xajisan, saw killalka shanaad tiisi muu helin, saw NFD may hellin, dee waxanu leenahay idinku is haggaajiya anagu taayadii waanu haysannaaye, colaadna uma qabno laakin waligeen dib u tagi mayno, usheega midh midhka halkaa jooga”. ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.