Hargeysa (Aftahannews)- Saraakiisha militariga ee Myanmar ayaa xidhay khadka internet-ka ee dalkaas kaddib markii kumanaan dad ah ay isugu soo baxeen mudaharaadkii ugu ballaadhnaa ee lagaga soo horjeedo afgambigii Isniintii dhacay.
Dadka isugu soo baxay waddooyinka magaalada Yangon, ayaa ku dhawaaqayey “kaligii-taliska militarigu, ka dhoco, ha dhoco; dimuqraadiyaddu, ha guulaysato, ha guulaysato”.
Booliiska rabshadaha ka hor taga ayaa xidhay waddooyinka waaweyn ee dhex mara bartamaha magaalada.
Xidhitaanka internet-ka ayaa yimid saacado uun kaddib markii militarigu ay xidheen baraha ay bulshadu kuwada xidhiidho ee Twitter iyo Instagram si dadka looga joojiyo in ay is abaabulaan. Facebook-ga ayaa asna la mamnuucay maalin ka hor.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.