Musharaxiinta Maxamuud Axmed Jaamac iyo Raage Axmed Yuusuf oo Booqday Xaafadaha 31 May, Faluuja iyo Qandahaar

Hargeisa (Aftahannews)- Musharax Maxamuud Axmed Jaamac oo u sharaxan golaha Deegaanka ee caasimada Hargeysa iyo Raage Axmed Yuusuf oo isna u sharax golaha Wakiilada ayaa waxaa ay booqdeen taageerayaashoodu ku dhaqan xaafadaha 31 May, Faluuja iyo Qandahaar.

Waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay labada musharax shacabka xaafadahaasi ku dhaqan oo taageero weyn u haya labada musharax.

sidoo kale, labada musharax ee Maxamuud Axmed Jaamac iyo Raage Axmed Yuusuf ayaa shacabka ku dhaqan xaafadahaasi uga mahad celiyay sida ay u soo dhaweeyeen, iyagoona balanqaadyo kala duwan u sameeyay.

Muasharax Maxamuud Axmed Jaamac iyo Raage Axmed Yuusuf ayaa sidoo kale xafaladooda qaban qaabada ee musharaxnimada si weyn looga dareemayaa caasimada Hargeysa oo ay dhawaan ka qabsoomayso.