Aqalka sare: “Ma jiro kulan Madaxweynuhu codsaday oo nalagu soo wargaliyay..”

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO GUDDOOMIYE ABDI XAASHI.jpg
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO GUDDOOMIYE ABDI XAASHI.jpg

Muqdisho (Aftahannews) – War ka soo baxay Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in aanu jirin kulan lagu soo wargaliyay kaddib markii la sheegay in madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo maalinta berri ah uu hortagayo Baarlamaanka Soomaaliya.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO GUDDOOMIYE ABDI XAASHI.jpg
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO GUDDOOMIYE ABDI XAASHI.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warka ka soo baxay Aqalka Sare ayaa u dhignaa siddan:- ”Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in aanu jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu ka soo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin berito oo taariikhdu tahay 06 February 2021.

Lama oga in kulanka loo balansan yahay maalinta berri ah uu qabsoomayo iyo in kale, hasse ahaatee madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu hore u soo saaray ku sheegay in 05ta bishan oo ku beegan maanta uu hortagi doono golaha Baarlamaanka, balse la sheegay in maanta oo Jimce ah uu kulankaa uu baaqday lagana dhigay maalinta berri ah.”

Baaqa kulanka madaxweynaha ee golaha Baarlamaanka ayaa imanaya xili uu fashil ku dhaw yahay shirka DhuusaMareeb oo la sheegay in leysku fahmi waayay arinta gobolka Gedo oo ah xuddunta khilaafka doorashada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.