Soomaaliya oo la soo gaadhsiinayo tallaalka cudurka Covid 19

Talaalka Covid-19
Talaalka Covid-19

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa la filayaa in Soomaaliya la soo gaadhsiiyo tallaalka lagaga hortagayo cudurkan Covid-19 oo hadda gaadhay qeybo badan oo ka mid ah caalamka.

Soomaaliya ayaana ka mid tahay dalalka sida ba’an uu uu sii faafayo cudurkan Covid-19.

Dr. Mamunur Rahman Malik oo ah madaxa caafimaadka hay’adda WHO ayaa sheegay in Soomaaliya la gaadhsiin doono sida uu hadalka u dhiggay 1.2 milyan goojo oo ah tallaalka Oxford AstraZeneca.

Talaalka Covid-19
Talaalka Covid-19

Isaga oo la hadlayay VOA ayuu intaa ku darray in tallaalkan marka uu soo gaadho Soomaaliya ay heli doonaan dad gaadhaya 600,000 oo Soomaali ah.

Tallaalkan ayuu sheegay in gaar ahaa la soo gaadhsiin doono Soomaaliya ilaa bartamaha sanadkan iyadoo ay ka faa’idaysan doonaan 20% dadka Soomaaliyeed.

Cudurka Covid-19 oo ah cudur halis ah oo malaayiin ruux oo Soomaali ah dilay ayay Somaaliya ka mid tahay dalalka uu halista badan ku hayo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.