Itoobiya oo Xidhay Koox dooneysay in ay weerarto Safaaradda Imaaraadka ee Addis Ababa

Ciidamada Itoobiya
Ciidamada Itoobiya

Addis Ababa (Aftahannews)- Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in la qabtay 15 qof oo lala xidhiidhinayo qorshe lagu weerarri lahaa safaaradda Isutagga Imaaraatka Carabta ee caasimadda, Addis Ababa.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee loo soo gaabiyo (EPA) ayaa Arbacadii soo xigatay bayaan ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Qarranada Itoobiya NISS oo sheegtay in dadka la qabtay ay ku shaqeynayaa awaamiir shisheeye.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu soo qabtay Hub fara badan, waxyaabaha qarxa iyo dukumiintyo ay isticmaalayeen kooxdan la qabtay sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee FANA.

Ciidamada Itoobiya
Ciidamada Itoobiya

“Kooxdan oo awaamiirta ka qaadanayay koox ajnabi ah oo argagixiso ah ayaa isku diyaarinayay inay waxyeello weyn u geystaan ​​hantida iyo nolosha dadka,” ayay tidhi EPA.

Laakiin lama sheegin cid gaar ah oo ay gacan saar la leeyihiin dadka la sheegay in la qabtay ee doonayay in ay weerarraan safaaradda Imaaraadka ee Addis Ababa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.