“Maalintii Shirqoolka la ii dhigay ee la doonayey in Dalka layga Saaro, Reer Saaxil wey ii hiiliyeen…” Faysal Cali Waraabe

Berbera(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Shirqool loogu talogalay isaga in dalka Somaliland lagaga saaro ay ka badbaadiyeen Dad ay ka mid yihiin Bulshada reer Saaxiil.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in xilligii dib loo furay Ururrada Siyaasadda ee Somaliland 2012-kii loo qorsheeyey in la rido Xisbigiisa, isla markaana loogu talogalay inuu dalka iskaga dhoofo marka uu Xisbi u soo gudbi waayo Xisbiga UCID oo ka mid ahaa Xisbiyadii ugu horreeyey ee Somaliland yeelato ee doorashadii 202-dii ku soo baxay.

Faysal Cali Waraabe oo maanta Hadal ka jeediyey Munaasibad Musharrixiin lagu soo bandhigay oo lagu qabtay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxaanu sheegay in 2012-kii uu u soo gurmaday Jamaal Cali Xuseen oo ay Xisbigaas ka baxay markii ay isa seegeen Faysal, isla markaana Maxkamadda sare ee Somaliland Xisbiga u xukuntay Guddoomiye Faysal.

Haddaba, Guddoomiye Faysal oo arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay Hadalka uu Berbera ka jeediyey, waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.