Madaxweyne Biixi oo Qalinka ku duugay Dhaqangalka Maalinta doorashada la qabanayo

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qalinka ku duugay dhaqangalka maalinta loo muddeeyey in la qabto doorashooyinka golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI

Madaxweynuhu dhaqangalka wakhtiga qabashada doorashooyinka loo muddeeyey oo ah 31-ka Bisha May ee sannadkan 2021-ka, oo ay hore u soo saareen Guddiga doorashooyinka, Xisbiyada iyo Xukuumadduna taageereen, isla markaana Golaha Guurtidu shalay is-waafajiyey wakhtigaas iyo mudda-kordhin ay hore ugu sameeyeen golaha Wakiillada, ayaa saxeexay dhaqangalka xilligaa laysla qaatay.

Madaxweynuhu Xeerka uu ku soo saaray dhaqanka xilliga doorashada maanta oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 12/022021 uu maanta ku meel mariyey Cayimaadda maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- 

Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021

Cayimaadda Muddada Doorashooyinka

Markaan Arkay:      Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda   Somaliland;

Markaan Arkay:      Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay:      Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay:      Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.” sidaa ayuu Xeerkan dhaqangalka ku yidhi Madaxweynaha Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.