Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shirkadaha diyaaradaha ku amartay in aanay qaadi karin Guddoomiye Cabdi Xaashi

Guddoomiye Cabdi Xaashi
Guddoomiye Cabdi Xaashi

Muqdisho (Aftahannews)- Xukuumada Soomaaliya ay shirkadaha duulimaadyada amar ku siisay in aanay qaadi karin guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi. 

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xalay warqad u diray Madaxweyne Qoor-Qoor isagoo u sheegay in uu ku soo wajahan yahay Dhuusamareeb si uu uga qeybgalo shirka, oo aan lagu casuumin, wuxuuna qorshuhu ahaa inuu maanta baxo.

Si kastaba Cabdi Xaashi ayaa maanta shirkaas ka baaqday kamana bixin Muqdisho.

Wararka ayaa sheegeya in diyaaradaha ay heleen amar kasoo baxay xukuumadda oo ay soo gudbisay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, iyadoo kadibna lala wadaagay shirkadaha duulimaadyada.

Guddoomiye Cabdi Xaashi
Guddoomiye Cabdi Xaashi

Xubno ka mid ah Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in guddoomiyaha uu sidoo kale jawaab ka waayay Madaxweyne Qoor Qoor iyo islamarkaana uu dareemay in aanu madaxweyne Farmaajo ku qanacsaneen ka qeyb-galkiisa shirka Dhuusamareeb. 

Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay in amarkan xalay uu soo gaadhay islamarkaana ay fuliyeen. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka bixin xafiiskiisa maanta lamana oga inuu xog helay iyo inuu iska joogay. 

Cabdi Xaashi ayaa ku adkeysanayey inuu shirkaas ka qeyb galo si uu wada-hadallada ugu matalo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, inkasta oo aan lagu casuumin.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.