Somaliland iyo Taiwan oo iska kaashanaya Mashruuc lagu Horumarinayo Beeraha

Somaliland iyo Taiwan
Somaliland iyo Taiwan

Hargeysa (Aftahannews)- Dowladdaha Somaliland iyo Taiwan ayaa maanta kala saxeexday mashruuc ay iskaga kaashanayaan tayaynta horumarinta wax soo saarka beeraha.

Mashuuraca ayaa iskugu jira samaynta Beer tijaabo ah iyo tababbarro la siin doono beeralayda iyo shaqaalaha wasaaradda oo looga gol leeyahay kobcinta beeraha.

Somaliland iyo Taiwan
Somaliland iyo Taiwan

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Rooble Cabdi Muuse oo heshiiskan ka hadlay ayaa sheegay in horumarinta beeruhu qayb weyn ka tahay qorshaha horumarinta qaranka isla-markaana uu Madaxweyne Muuse Biixi uu ahmiyad iyo mudnaan siinayo.

Mashruuca ayaa ka kooban sidan:-

1. Samaynta Beer lagu soo bandhigo hab- beereedka casriga ah iyo abuur tayo leh, tabobbarradana lagu bixiyo.

2. Tababbaar la siin doono shaqaalaha wasaaradda horumarinta Beeraha.

3. Tababbar beeralayda loo samayn doono.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha wuxuu sheegay in mashruucani uu Qaranka u leeyahay faa’iido.

Sidoo kale, safiir ku-xigeenka Dowladda Taiwan ayaa ka warramay ahmiyadda Mashruucan, isagoo u Mahad celiyey Dawladda Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.