Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Geerida General Maxamed Nuur Galaal

Hargeysa (Aftahannews) — Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu ka xunyahay dhibatada ay ku jiraan dadka Soomaaliya islamarkaana ay Somaliland cawin lahayd hadii ay reer Soomaaliya qiri lahayeen qaranimada Somaliland.

Madaxwayne Biixi ayaa arintan ka yidhi munaasibada sanad guurada ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Milateriga Somaliland oo maanta lagu qabtay taliska guud ee ciidanka, waxaanu sheegay in ay isaga iyo shacabka Somaliland ba ka xunyihiin dhibatada ka socota Soomaaliya.

Dhinaca kale, madaxwaynaha ayaa sheegay sida uu uga murugooday dilkii Janeral Maxamed Nuur Galaal iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Hotel Afrik ee magalada Muqdisho, isaga oo sheegay in uu aqoon fiican u lahaa Alle ha u naxaristee Janeralka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.