Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Toronto

Allaha u naxariistee Haashim Cumar Xaashi oo 20 sano jir ahaa ayaa habeennimadii Axadda lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Booliska ayaa wada baadhitaan la xidhiidha ciddii ka dambeysay dilkiisa, balse waxey sheegeen in la rasaaseeyay xilli uu ku dhexjiray gaadhi galayay garaashka-ka dhismaha 40 Falstaff oo ah halka uu deggenaa marxuumku.

Dilka Haashim ayaa noqonaya kii 5-aad ee ka dhaca magaalada Toronto sanadkan cusub.

Hoos ka dhagayso faah-faahinta warka