Hoobiyayaal khasaare geystay oo lagu weerarray magaalada Dhuusa-Mareeb

Magaalada Dhuusamareeb
Magaalada Dhuusamareeb

Muqdisho (Aftahannews) – Inta la xaqiijinayo Afar ruux ayaa ku dhaawacantay tiro hoobiyayaal ah oo xalay saqdii dhexe lagu weeraray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug, halkaa oo ay ku sugan yihiin madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad  gobolleedyada.

Ilaa toban madfac oo loo adeesaday qoriga hoobyaha ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaceen qeybo ka mid ah xaafaddaha degmada Dhuusa-Mareeb iyo xarumo ay degganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb
Magaalada Dhuusamareeb

Dadka hoobiyeyaasha ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Dhuusa-Mareeb, iyadoo dhinaca kalana ay saameyn ku yeesheen madaafiicdan shirar u socday xalay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ku sugan Dhuusa-Mareeb oo qaarkood laga soo wareejiyay halkii ay deggenaayeen.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ku sugan magaalada Dhuusa-Mareeb, waxaana hore u sii joogay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.