Markab ay qabteen ciidamada xeebaha Somaliland iyo halka laga leeyahay

Ciidamada xeebaha Somaliland
Ciidamada xeebaha Somaliland

Saylac (Aftahannews) — Ciidamada xeebaha ee Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Djabouti, kaasi oo ay sheegen in uu sifo sharci dora ah kaga kalluumaysanayay biyaha Somaliland.

Markabkan, ayaa ciidanka Ilaalada Xeebuhu ka war heleen, markii uu ku soo xadgudbay Biyaha Somaliland, iyaga oo adeegsanaya Qalabka Raadalka oo inta badan Ciidanku kula socdo Maraakiibta iyo Doonyaha dalalka Shisheeye.

Ciidamada xeebaha Somaliland
Ciidamada xeebaha Somaliland

Sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland waxaanu u dhignaa sidan:-

“Saldhiga labaad ee ciidanka ilaalada xeebaha iyo difaaca bada ee fadhigiisu yahay magalada Saylac, waxa ay xalay hawlgal kusoo qabteen markabkan oo bishi dhamatay horaanteedi ay sidan oo kale ciidanku hawlgal ugu soo qabteen. Waxa laga war helay isla markii uu soo galay biyaha Somaliland, kadib markii usoo qabtay radarka ciidanka badu.

Markabkani waxa uu caadaystay in uu in biyaha Somaliland kuso galo sifo sharci daro ah, hadana markabkii iyo shaqalihiba ciidanka ayaa gacanta ku haya waxana laga qaadi doona talabo adag”.ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay taliska ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.