Warbixin: Wax ka ogow Taariikhda Jeneral Maxamed Nuur Galaal

Muqdisho (Aftahannews) — Generaal Maxamed Nuur Galaal, waxaa uu ku dhashay meel u dhaw magaalada Ceelbuur ee gobolka Galagduud, wuxuuna waxbarashadiisa asaasiga ah kusoo qaatay magaalada Muqdisho.

Markii uu dhameeyay waxbarashada sanadkii 1957-dii waxaa uu ku biiray booliska Soomaaliya, waxaana uu kusoo tababartay kuleejkii Ferari xilligii nidaamka daakhiliyada.

Waxaa uu ka hawlgeli jiray saldhigii booliska ee la odhan jray Oriantalle ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay kasoo wada shaqeeyeen Maxamed Siyaad Barre, waxaana lagu qaatay laba Alifle.

Jeneraal Galaal, ayaa kana mid ahaa hawlwadeenadii dowladii hore ee milateriga,markii la asaasay milateriga Soomaaliya 1960-kii, Jeneraal Galaal, waxaa uu ku biiray ciidanka, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee 1960-kii loo qaaday dalka Talyaaniga, wuxuu dalka dib ugu soo laabtay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1964.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.