Dagaal khasaare ka dhashay oo ka dhacay deegaanka City ee Soomaalida Itoobiya

Filed under: Wararka |

Jigjiga (Aftahannews) — Degaanka Ceydal oo ka tirsan gobolka City ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay dirir ku dhex martay ciidamo ka tirsan Canfarta iyo xoola dhaqato ku nool deegaankaas.

Dagaalka oo la sheegay in uu ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada canfarta iyo maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqata ah isla markaana ay laayeen dad kale.

Diiriye Maxamed oo ka mid ah odayaasha deggan deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu xallinayo xiisadda saameysay labada dhinac.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login