Al-shabaab: Bartil-maameedkayaga wuxuu ahaa General Galaal

General Maxamed Nuur Galaal
General Maxamed Nuur Galaal

Muqdisho (Aftahannews) –  Qoraal ay soo dhiggeen Al-shabaab bogga Internetka ay ku leeyihiin ayeey ku sheegeen in bartilmaameedkooda koowaad weerarkii ay ku qaadeen shalay hotelka Afrik uu ahaa sida ay hadalka u dhiggeen General Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay gudaha hotelka.

Waxaa ay sheegeen in uu qeyb weyn ku lahaa qorshayaal lagu dhabar jabiyay xoogagga Ururka Al-shabaab iyo dilka hoggaamiyayaal sar sare oo ka tirsanaa Ururka oo uu ka mid ahaa sida qoraalkooda ay ku baahiyeen Aadan Xaanshi Ceyroow.

General Maxamed Nuur Galaal
General Maxamed Nuur Galaal

Al-shabaab ayaa sidoo kale guud ahaan dadka ay weerarkii Hoteel Afrik ku dileen ku sheegay 23 ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 40 ruux waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada dowladda oo howlgalka soo afjaray saqdii dhexe ee xalay ayaa dilay dhamaanba kooxihii weerarka soo qaaday ee ka dagaalamay gudaha Hoteelka, iyada oo sidoo kalana soo badbaadiyay saraakiil ciidan iyo dadka shacab ah.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.