Gabiley: Axmed-Inni Oo Madal La Isku Arkay Kaga Dhawaaqay Musharraxnimadiisa

Gabiley (Aftahannews) – Axmed Cabdi Muuse (Axmed-inni), ayaa si rasmiya u shaaciyey inuu yahay Musharrax u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee la filayo inay Somaliland ka qabsoonto sannadkan 2021-ka.

Munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayey Musharraxnimada  Axmed Cabdi Muuse (Axmed-inni) oo Axadda Maanta lagu qabtay Magaalada Gabiley, ayaa ka waxa ka qayb-galay Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Waxgarad, Hoggaanka sare ee Xisbul-xaakimka Kulmiye, Suugaanyahanno iyo taageerayaal tiro badan.

Ugu horrayn, Musharrax Axmed Cabdi Muuse (Axmed-inni) oo halkaa ka hadlay ayaa faahfaahiyey ujeeddada Xafladda loo qabtay, waxaanu yidhi  “Waxaynu Munaasibaddan iskugu nimid inaan Anigu isku soo sharraxo Golaha Wakiillada, markaa waxaan diyaar u ahay oo aan ballan-qaadayaa inaan Ciddii wax ka galaan Dawladda kala dhamayn karayo inta itaalkayaga ah, intii kale ee wax u baahana aan gacanta qaban karo”

Musharruxu wuxuu farriin u diray Taageerayaashiisa “Idinka waxaan idiinka baahanahay in si hagar la’aan ah in la iigu codeeyo. Ma baqayo oo waan ogahay Tirada reerka, mawqifkooda, dedaalkooda iyo Juhdiga ay geliyeen inay I soo saaraan.”

Musharax Axmed Ini

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxa Farxad noo ah inaanu ka nimaadno Caasimadda Hargeysa oo aanu halkan idiinku nimaadno, sababta aan halkan Subax Walba ugu soo jarmaadno waxa weeyaan Dadka aad u soo xusheen inay doorashada idiinka qayb-galaan Xisbiga Kulmiye aad buu ugu faraxsan yahay..”

Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo Labeenta Beesha Musharraxa oo halkaa ka hadlay, ayaa si isku mid ah hoosta uga xariiqay inay Taageero la barbar taagan yihiin Musharraxooda “Tolkaa kuuma kala hadhin, Rag iyo Dumar wuu kuu socdaan..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Madax-dhaqameedka halkaa ka hadlay.

Xubin kale oo ka mid ah Waxgaradka Beesha oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Axmed Cabdi Muuse (Axmed-inni) Cidna idiinka warrami mayso, waa nin la yaqaano, Bulshada Waddanka in badan u soo qabtay..”

Chief Caaqil Dayib Cabdi Ciidle oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu Ilaahay ka rejaynaynaa inaad noqoto Xildhibaanka Gobolka ugu codka bata..”

Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa Taageerayaasha Musharraxa u soo jeediyey “Qofku marka uu Musharrax yahay, waa Qof Masaajid ka kacay oo kale, waa inaad ogaataan, oo cod ahaan iyo garab istaagba muujisaan baa loo baahay. Wuxuu ka sharraxan yahay Gobolka Gabiley, waxaan filayaa wax badan oo aad tabaysaan oo Gobolnimadu ka mid tahay inuu yahay Ragga ka shaqayn doona..”

Xoghayaha Guddiga la hor-tagga Xanuunka Covid_19 ee Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa bogaadiyey Muwaadin ka soo jeeda Beesha Musharrax Axmed Cabdi Muuse (Axmed-inni) oo u tanaasulay.

Xubno kale oo muhiim ah oo halkaa ka hadlay, ayaa iyaguna ku dardaarmay in la garab istaago Musharraxa.

 

 

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.