Qareenadii difaaci lahaa Trump oo ka kala tegay

Qareenadii difaaci lahaa Trump oo ka kala tegay

Iyadoo wax ka yar toddobaad ay ka hadhsan tahay billowga dacwaddiisa labaad ee xil ka qaadista ee golaha Senate-ka, ayaa kooxda difaaca ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ay u muuqdaan in ay khal-khal wajahayaan.

Laba qareen oo caan ah oo ka soo jeeda gobolka South Carolina, Butch Bowers iyo Deborah Barbier, ayaa la filayey in ay noqdaan qareennada hogaaminaya kooxda difaaca ee Trump. Laakin warbaahinta ayaa warisay Sabtidii in ay labadani qareen isaga tageen shaqadii ay kooxda u hayeen.

Saddex qareen oo kale oo sidoo kale la wariyay in ay la shaqeynayeen madaxweynihii hore ayaan hadda xubno ka aheyn kooxda sharciga ee Trump sida lagu sheegay macluumaad ay markiisii hore baahisay CNN.

Qareenadii difaaci lahaa Trump oo ka kala tegay
Qareenadii difaaci lahaa Trump oo ka kala tegay

Trump iyo qareennada ayaa lagu soo waramayaa in ay isku khilaafsan yihiin istiraatiijiyad sharciyeedka ku habboon maxkamadeynta Aqalka Senate-ka ee billaabanaysa 9-ka February.

Madaxweynihii hore ayaa wajahaya eedeymo ah inuu “kiciyey kacdoon rabshado wata,” taasi oo lala xidhiidhinayo kooxihii weerarka ku qaaday Aqalka Congaress-ka 6-dii January. Waxaa lagu wadaa in uu ka jawaabo eedeymahaas ilaa Salaasada.

Ilo wareedyo ayaa ku warramaya in Trump uu doonayo in qareennadu ay diiradda saaraan in uu ku guuldareystay doorashadii madaxtinimada ee uu kula baratamay Joe Biden isaga oo dhibane u ah musuq-maasuq baahsan oo doorashada ah, halkii ay diiradda saari lahaayeen eedeymaha loo jeedinayo.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in madaxweynihii hore laga yaabo in dambi lagu waayo, sababtoo ah 45 senator oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa dhowaan u codeeyay in maxkamadeynta soo socota ay tahay mid aan dastuurka waafaqsanayn maadaama uusan Trump haatan xil heyn.

Trump waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee labo jeer lagu soo oogo dacwad xil ka qaadis. Sanad ka hor ayay Senate-ka ka bari yeeleen eedeymo ku saabsan ku takri fal awoodeed iyo is hortaag uu sameeyay Congress-ka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.