Xisbiga KULMIYE oo aqbalay Musharraxnimada Saxafi Maxamed-Rambo iyo Siciid Yuusuf Garow

Hargeysa (Aftahannews) – Hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye, ayaa aqbalay Murashaxiinta kala ah Maxamed Xuseen Jaamac (Raamboo) oo u tartami doona golaha wakiillada ee gobolka Maroodijeex iyo Siciid Yuusuf Aadan Garow oo u tartami doona golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen(Axmed Cabdi-dheere), xubno ka mid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac iyo saraakiil kale oo xisbiga ka tirsan, ayaa soo dhaweeyey murrashaxiintan oo ay hormuud u yihiin cuqaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta hal-doorka ah ee ka soo jeeda deegaanka ay murrashaxiintani kasoo jeedaan, waxaana madasha laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayo labadan murrashax.

Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Odayaasha ay isku deegaanka yihiin labada Musharrax oo ugu horrayn halkaa ka hadlay, ayaa ka warramay siday u soo xuleen labada Musharrax iyo waxay ku doorteen “Labadaa Nin oo aad noogu miisaan badan ayaanu soo sharraxnay, waxaanuna is leenahay waad kaga gam’aysaan kaalintaa, markaa waxaanu jecelnahay inaad naga guddoontaan.” ayuu yidhi ka mid ah Madax-dhaqameedka madasha ka hadlay.

Xubin kale oo ka mid ah Waxgaradka oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaad mooddaa in imika dadku yidhaahdaa ‘yaa Dadka wax la boobaya’, Annagu taa kumaanu soo dooran ee waxaanu ku soo dooranay yaa Dadka wax u qabanaya ee wax u taraya.”

Mid kale oo ka mid ah Waxgaradka Madasha ka hadlay ayaa yidhi “Markii aanu arrinka rog-rognay waanu ka khamri waynay inaanu Musharraxiintayada ka sharraxno Xisbiga Kulmiye, sidaa darteed Baarlamaanka waxaanu u wadnaa Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo), Golaha deegaankana waxaanu u wadnaa Siciid Yuusuf Aadan Garow..”

Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-jawaan) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maxamed-Raambo waa Nin Naftiisa dhisay, hadduu Naftiisa dhisay waxaanu aragnay inuu dalkana dhisayo, deegaanka uu ka soo jeedana uu wax u qaban karayo, sidaasi ayaanu ku dooranay oo aanu ku taageernay, markaa waa nin Dalka dhisaya. Aniga Cabdillaahi ahaana Anigoon been ka sheegayn Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye waxay iigu muuqdaan Xukuumad iyo Xisbi dhisme wada..”

Wasiirka Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland Mudane Maxamed Axmed Cawed oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay “Shirkeenu wuxuu daaranaa in Xisbigu uu deegaankaa ka guddoomo labada Musharrax oo kala ah Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo loo soo xulay Baarlamaanka iyo Siciid Yuusuf Aadan Garow oo loo soo xulay Golaha deegaanka Hargeysa, markaa sida lagu soo xulay ma sahlanayn, sidaasi darteed Guddoomiye waxaanu rejaynaynaa inaad naga guddoonto..” ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland Maxamed Axmed Cawed, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu is waafajinaynay dimuqraadiyadda, Horumarka, Xeerarkeena iyo siday Jifooyinku wax u doonayaan iyo sidaynu wax u doonayno, sidaasi darteed Ilaahay baa Mahad leh in Maanta Annaga oo midaysan oo mid ah inaanu halkan (Kulmiye) keeno labadaa Musharrax ee aanu soo xulnay..”

Gebogabadii, waxa halkaa ka hadlay isla-markaana labada Musharrax guddoomay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen(Axmed Cabdi-dheere), waxaanu yidhi  “Soo Gudbinta oo keliya maaha, ee waanu idinka guddoonay Labada Musharrax, waxayna ka mid noqonayaan Tartamayaasha Gobolka Maroodi-jeex Labada Xildhibaanba, laakiin hawl badan baa idiin taalla, Maxamed-Raambo haddaad keenteen waa inaad soo saartaan, garab gashaan, kana mid noqdo Musharraxiinta ugu Codadka badan badan..”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.