Maxay ka wadahadleen Axmed Madoobe iyo James Swan?

Axmed Madoobe iyo James Swan
Axmed Madoobe iyo James Swan

Kismaayo (Aftahannews) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland iyo wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey James Swan oo wadajir shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Kismaayo ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay wax -yaabihii ay ka wada hadleen.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay ay isla soo qaadeen Mr Swan arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo waliba sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu wada yahay.

”Waxaa isla garannay in ay muhiim tahay in siyaasiyiintu heshiiyaan arinta doorashada, islamarkaana aan soo dhaweynay shirka la filayo in uu ka dhaco magaalada Dhuusa-Mareeb, waxaan isku afgarannay in ay muhiim tahay in la ixtiraamo heshiiskii 17kii September laga gaadhay arrimaha doorashada, waxaan isla garannay ay wanaagsan tahay in leysku tanaasulo madaxda Soomaaliya qaataan hoggaanka ay leeyihiin” ayuu yidhi Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Axmed Madoobe iyo James Swan
Axmed Madoobe iyo James Swan

Wuxuu sheegay in ay  taliyeen dhinacooda in dhamaanba musharixiintu ay ka dhax baxaan hannaanka doorashada loona daayo arintaa guddiyada loo xil saaray ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Jubballand.

Wuxuu aad rajo wanaagsan ugu muujiyay Axmed Madoobey shirka lagu ballansan yahay in uu maalinta berri ah ka furmo magaalada Dhuusa-Mareeb oo sida uu hadalka u dhigay qoddobada ka soo baxa ay muhiim tahay in madaxdu ku wada-shaqeeyaan,

James Swan ayaa dhankiisa ku boggaadiyay madaxweynaha Jubbaland soo magacaabistii guddiga doorashada, taasoo qeyb ka ah fuddudeynta arrimaha doorashada, waxaana uu dhankiisa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay shirka madaxda dowlad gobolleedyada uga furmaya magaalada Dhuusa-Mareeb.

Wakiilada beesha caalamka ayaa dadaal dheer u gallay sidii leysugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada uu ka dhaxeeyo khilaafka dhinaca doorashada, iyaga oo kulankoodii ugu danbeeyay shalay la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.