Tacsi Tiiraanyo Leh oo ku socota Qoyska uu ka baxay Xaaji Cismaan Axmed Ciise (Food)

Bahda Aftahannews.com meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Marxuum Cismaan Axmed Ciise (Food) oo caawa ku geeriyooday Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isla markaana Arbacada Berri haddii Illaahay yidhaahdo lagu aasi doono Xabaalaha Naasa-hablood ee Duleedka Magaalada Hargeysa.

Waxaannu leenahay Marxuumka Illaahay ha u naxariisto oo Jannadii Fardawsa ha geeyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna haka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Axsaabta uu ka baxay Marxuum Cismaan, gaar ahaan Carruurtiisa oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisa. Aammiin…..Aammiinn….Aammiin…. Allaah ha aqbalo.

tacsi1