Madaxweyne Farmaajo oo shir deg-deg ah ugu yeedhay madaxda dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay isagoo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la guda galo qabsoomidda doorashada, wuxuu shir iskugu yeedhay madaxda Dowlad Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay shirkan in lagu qabandoono magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug uuna socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha February 2021.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Wuxuu sidoo kale madaxweynuhu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeedhay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

Ku dhawaaqida shirkan ayaa yimid saacaddo kadib markii madaxweyne Farmaajo uu galabta la kulmay wakiiladda beesha caalamka ayna kala hadleen in si deg deg ah lagu xalliyo caqabadaha hortaagan doorashada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.