Maayirka Caasimadda Hargaysa oo Mar kale u Tartamaya Golaha deegaanka Caasimadda

Hargeysa (Aftahannews)- Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xisbiga Kulmiye , Madax iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay Xaflad uu Maayarka Caasimadda Hargaysa C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco ku Shaacinayay inuu mar kale u tartamayo Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargaysa.

Munaasibadan oo lagu qabtay Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa Hogaanka Xisbigu kula Wareegeen Laba Musharax oo loo soo kala xulay Golaha deegaanka Caasimadda iyo Golaha Wakiilladda.

Xubno Madax dhaqameed ah, Mudan iyo Madax kale oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay go’aansadeen in Mudane C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco uu u Tartamo Golaha deegaanka Caasimadda Hargaysa iyo Murashax Cali Xawaadle Madar oo u tartami doona Golaha Wakiiladda Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.