Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo xadhigga ka jaray Madbacadda Cusub ee Qaranka

Hargeysa-(Aftahannews)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray dhisme laba-dabaq ah iyo qalab tiro baddan oo lagu soo kordhiyay Mad-bacadda qaranka Somaliland.

Ugu horrayna waxa sharaxaad ka bixiyey dhismahaa iyo agabkaasi Maareeyaha Mad-bacadda Qaranka oo sheegay in qalabkani awood dheeraada ku soo kordhiyey shaqadii madbacadu hore u haysay, islamarkaana isku-filnaansho buuxda ay gaadhay mad-bacaddu diyaar na u tahay in ay daabacdo guud ahaan macluumaadyada qoraalka ah ee dawladda.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la isticmaalo mad-bacadda qaranka, waxaanu ku boorriyay wasaaradaha iyo xarumaha kale ee dawladda inay warbixinahooda qoraaleed ka daabacdaan madbacada qaranka. Waxaanu yidhi ”Ammaanka xogta ayay muhiim u tahay in la isticmaalo mad-bacadda qaranka, lacag baddan ayaa gashay halkan, waxa loo baahan yahay inay lacagtaas soo saarto mad-bacaddu oo aynu isticmaalno shacab iyo dawladd-ba, sida la sheegay waa qalab muhiim ah“.

Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay Tayada Madbacadda cusub iyo muhiimmada ay u leedahay ilaalinta sirta qaranka, waxaannu yidhi, “Waxaa dhammaantiin aad ma markhaati kacdeen in mashiinno waaweyn oo digital ah, oo German ah oo tayo daabaceed oo heer sare leh.  Mashaariicdii u horraysay ee qabteena ay kufilaadeen Baanka Somaliland inay u daabacaan jeegagii Nidaamkeedu amaanka ahaa [Security Sysytem].waxaa ugu weyn ee madbacadda ku soo kordhay waxaa weeye inay daabici karto Security Featureska qarsoon ee aan la arki karin.”

Maareeyuhu waxa uu sheegay inaanay madbacaddu markii hore lahayn xeer ay ku shaqayso balse Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu u sameeyay Xeer ay ku shaqayso isagoo arrintaa ka hadlayana waxaa uu yidhi, “Madaxweynaha Somaliland Digreeto Xeer buu ku soo saaray, Xeerkaas oo sheegaya maxay madbacaddu qaban kartaa? sidee bay u shaqaynaysaa?sidee loo maamulayaa? xuquuqdee bay leedahay?, waxaan cod dheer ku sheegayaa daabacaadda qaranka Somaliland waxa ka masuul ah Wakaalladda Madbacadda Qaranka Somaliland, waayo waxay masuul uga noqonaysaa sirta dowladdu waxa u baahantahay in la ilaaliyo, daabacaad qudha maaha ee waa arrin amni oo qaran, dhammaan sirta Somaliland meel lagu xiftiyo waa inay jirtaa.”

Guddoomiyaha Baananka Somaliland Cali Ibraahin Baqdaadi, ayaa ka hadlay qaabkii loo maalgeliyay iyo dedaalka ay samaysay Madbacadda qaranku.”Waxay ahayd bishii may 2019, markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu amar bixiyay ah in madbacadan la sameeyo iyadoo tii hore ay gaabis ahayd, waxaannu naga codasaday in Baanka dhexe Maalgeliyo, 1 Milyan oo dollar bay ahayd inta lagu qiyaasay laakiin way ka badatay, Sacad oo wasiirka maaliyadda ah baa i yimi, oo yidhi lacagtaas annagaa dammaanad qaadayna haddii baanku sii bixiyo, oo dub u soo celinayna muddo sadex sano ah, sidii baanu ku bixinay lacagtii.markaa aad iyo aad baan maanta ugu faraxsanahay inaan arko madbacaddii oo shaqaynaysa, iyadoo mashiinnadii ugu casrisanaa lagu rakibay.”

Wasiirka Wasaaradda Caddaallada Somaliland Saleeban warsame iyo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, oo halkaas ka hadlay ayaa iyaguna ka hadlay habka loo horumarin karo madbacadda Qaranka iyo sidii looga shaqaysiin lahaa iyo masuulliyadda saaran maamulka Madbacadda.