Somalia: Dowladdu Maxay ku Diidday Guddiyada Doorashada ee ay Magacaabeen Puntland iyo Jubaland?

AXMED MADOOBE FARMAAJO IYO DANI.jpg
AXMED MADOOBE FARMAAJO IYO DANI.jpg

Muqdisho(aftahannews):- Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ku gacan-saydhay Guddiyo muddo la sugayey oo ay Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland u magacaabeen doorashooyinka, waxaanay Xukuumaddu sheegtay inaan hab sharci ah loo marin guddiyadaas.

AXMED MADOOBE FARMAAJO IYO DANI.jpg
AXMED MADOOBE FARMAAJO IYO DANI.jpg

Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in habka loo magacaabay Guddiyada uu khilaafyo heshiiskii dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada ay ka gaareen doorashada, ee 17-kii September lagu gaaray Muqdisho.

“Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisinta waxay mar kale ku celinaysaa in guddiyada ay shaaciyeen Madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay yihiin kuwo baalmarsan hanaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyada.” Sidaa ayaa lagu yidhi War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka Soomaaliya Khamiista maanta.

Sidoo kale, Warka Wasaaradda arrimaha gudaha ka soo baxay, ayaa intaas ku daray in Guddiyadan aan loo soo gudbin Xafisyada Ra’iisul-wasaaraha iyo Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka Soomaaliya midkoodna loo soo gudbin.

Guddiyada ay Jubaland iyo Puntland xalay magacaabeen, ayaa ah kuwa heer gobol ee doorashada. Magacabaista guddiyada, ayaa ah mid ka mid ah qodobbada sida aadka ah la isugu hayo ee hortaagan in la gudo-galo doorashada golayaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha federaalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedka magacaabista guddiyada doorashada ee ay soo saareen Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland iyo Qoraalka Dowladda Federaalku kaga jawaabtay oo nuqullo ka mid ahi soo gaadheen Warbaahinta aftahannews.com, waa kuwan hoose ee ka bogasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.