Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Qaabiley Safiirka Denmark Ee Kenya

Hargeysa (Aftahannews) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka waddanka Denmark u qaabilsan Kenya Amb. Ole Thonke oo booqasho ku yimid Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Maxkamadda sare, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maanta (Shalay) xafiiskiisa ku qaabilay safiirka waddanka Denmark Amb. Ole Thonke oo soo booqday xarunta maxkamadda sare ee dalka.

Kulanku wuxuu ku bilaabmay is-xog waraysi guud oo la xidhiidha is-kaashiga soo jireenka ah ee ay wadaagaan dawladaha Somaliland iyo Denmark iyo sidii loo sii xoojin lahaa is-kaashigaasi, maadaama safarka safiirku ahaa socdaalkiisii u horeeyay ee isagoo safiir ah uu dalka ku yimaado, sidoo kale waxay guddoomiyaha iyo safiirku ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka ee la filayo in ay waddanka ka qabsoomaan, kuwaasi oo garsoorku door muuqda ka qaato marka ay soo gaadhaan arrimaha la xidhiidha doorashadu.

Safiirka waddanka Denmark ayaa xusay in ay diyaar u yihiin is-kaashi dhinacyo badan taabanaya oo ay la yeeshaan Somaliland, gaar ahaan hay’adda garsoorka dalka, waxaanu ku bogaadiyay horumarka la taaban karo iyo wax-qabadka baaxadda leh ee garsoorka dalku ku talaabsaday.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa geestiisa soo dhaweeyay kor-u-qaadida is-kaashiga ay wadaagaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddanka Denmark, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in la balaadhiyo wada-shaqaynta ka dhexaysa labada dal, sidoo kalena la soo celiyo tababaro caalami ah oo ay Denmark u fududayn jirtay garsoorka Somaliland.”

Wa bilaahi tawfiiq.

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare ee JSL