Cabdillaahi-jawaan Oo Ka Hadlay Waxa Madaxweynaha U Bannaan, Haddii Guurtidu Diido Codsigii Xukuumadda & Xisbiyada

Hargeysa (Aftahan) – Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, ayaa ka hadlay waxa Madaxweynaha u bannaan, haddii Golaha Guurtidu diido inay is-waafajiyaan Xilliga Komiishanku u cayimay doorashooyinka Wakiillada iyo deegaanka iyo muddo-kordhintii ay hore ugu sameeyeen Golaha Wakiillada, taasi oo ku eg bisha 11-aad ee sannadkan.

Komiishanka doorashooyinka Qaranka, ayaa doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaannada u muddeeyay inay dalka ka qabsoonto 1-ka bisha 5-aad ee sannadkan 2021, waxaana loo baahan yahay in Golaha Guurtidu ay is-waafajiyaan xilliga doorashada loo muddeeyay iyo muddo-kordhintii ay Wakiillada u sameeyeen, maaddaama oo muddo-kordhintaasi ku eg-tahay 4 bilood ka dib, xilliga doorashada loo asteeyay.

Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay Tallaabada la qaadi karo, haddiiba Golaha Guurtidu diidaan inay is-waajiyaan muddo-kordhinta Wakiillada iyo xilliga doorashada, waxaanu yidhi “Danta Ummadda iyo Danta Dalka ayaa wax kasta ka muhiimsan, Guurtidu go’aan bay hore u gaadhay oo muddo-kordhin bay u samaysay Golaha Wakiillada iyadoo wakhtigaa jireen duruufo aanay doorashadu u qabsoomi karaynin wakhtigiina dhacay, laakiin Maanta duruuftii ma taagna, xisbiyadii murmayey way heshiiyeen, komiishankana waa laga heshiiyey oo waxa jira Komiishan hawshii diyaar u ah, waxayna soo saareen Maalinta doorashadu dhacayso, taasi oo ah 31-05.2021. Intaasi markay isku waafaqeen, waxa waajib ah in loo diyaar-garoobo sidii doorashada loo qaban lahaa, uma arko in Guurtidu diidi karaan intay isku raaceen Xisbiyada, Xukuumadda Iyo Komiishanku, Waayo? waxa loo danaynayaa Danta Dalka iyo danta Dadka iyo Nidaamka aynu qaadanay ee dimuqraadiyadda ah.”

Cabdillaahi-jawaan wuxuu sheegay “Guurtida waxa looga baahan yahay Go’aankaa Qaran ee lagu midaysan yahay, waxaan filayaa inay meel-marinayaan, waana looga baahan yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Tallaabada u banaan Madaxweynaha, haddii Guurtidu ku adkaystaan Go’aankooda hore “Anigoo u arka in aanay diidayn, haddiise ay dhacdo in Fikrado kale soo baxaan oo yidhaahdeen Sharci baanu goynay (Muddo-kordhinta), waxa masuuliyaddeeda leh Madaxweynaha oo ah ilaaliyaha guud ahaan Qaranka, Dastuurka ayaana u Ogol Madaxweynaha haddii sidaa wanaagga ah ee la wado waxba ku socon waayaan inuu sidii lagama maarmaan ah isagu ku meel-mariyo, taa wuxuu u cuskanayaa Dastuurka oo wuxuu u gudbinayaa Maxkamadda Dastuuriga ah, Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa markaa jawaab ka bixinaysa Codsiga Madaxweynaha, go’aankaas ayaa markaa meel-maraya oo lagu dhaqmayaa..”

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office