Maxaa kala qabsaday Madaxweyne Muuse Biixi iyo Cabdikariim Axmed Mooge?

Madaxweyne Muuse Biixi, Maayar Soltelko iyo Cabdikariim Axmed Mooge
Madaxweyne Muuse Biixi, Maayar Soltelko iyo Cabdikariim Axmed Mooge

Habeenkii dhawayd Cabdikariim waxgaradkii reerka ayay is raaceen, waxayna u tageen odaygii beesha.

Cabdikariim wuxu yidhi, xisbiga in aan iska sharaxo ayaa doonayaa, in aad meeyarnimada igala shaqayso na waa doonayaa, Labada doonisood baan wataa. Ayuu yidhi Cabdikariim. Muuse wuxu yidhi xubinimada xisbiga waa hawraarsan, laakiin meeyarnimo kula dooni maayo.

 Aniguna labadii doonisood oo kala dhantaalan qaadan maayo ee nabadgalyo ayuu yidhi. Intii Cabdikariim iyo Muuse ay wada hadlaayeen, ciyaalkii madaxtoyada uu Muuse ku soo ururiyay ayaa Soltelko telefoon u diray, oo ku yidhi soo carar meeyarnimadii nin baa la siiyay.

Isaga oo ordaaya, oo Samaale na watta ayuu soo galay, Cabdikariim na kadinka ayay isku dhaafeen. Soltelko odaygii beesha ayuu u tagay, wuxuuna ku yidhi – Meeyarnimadii ma hadal baad gelisay? Ma ninkan imika i dhaafay baad soo waddaa? Halkii uu wax kale ka eegaayay, ayuu Muuse hadlay, waana lagu kala guuray.

Madaxweyne Muuse Biixi, Maayar Soltelko iyo Cabdikariim Axmed Mooge
Madaxweyne Muuse Biixi, Maayar Soltelko iyo Cabdikariim Axmed Mooge

Muuse jiman badan baa ku dhex jira, waxaana ka mid ah mid cariigsi ga jecel, iyo mid kale oo xinka iyo ficiltanka ka hela.

Labadii ba mar ayay ku wada kaceen, wuxuuna ninkii ku yidhi – eeg, ninkani wuu kaa eddo wanaagsanyahay, tolkii na wuu wattaa. Oo yaan eddo iyo tol wadanin? Sidaas buu u ga fikiraa oo u falanqeeyaa arimaha dawladnimada ku saabsan. Wuuba roona hadii aanu hooyadii caayin sidii Ina Cali-waraabe. Muuse waa Muuse.

Isku soo wada duub, Cabdikariim in uu Waddani iska sharaxay qolyaha ku dhaliilay, guna ma jiraan. Hadii aanu sidaas yeelin, option ka labaad ee u furani wuxuu ahaan lahaa in uu rabitaankiisa faraha ka qaado oo danihiisii gaarka ahaa ku foognaado. In kasta oo muddo dheer aanaan kulmin, si kale na u xidhiidhin, hadana Cabdikariim waa aqaanay oo xisbiyada oo dhan wuu dhaliili jiray oo saluugsanaa, keligii na ma aha ee dad badan baa la qaba.

Si kasta oo uu xisbiyada u dhaliilo, maanta xaqiiqo iyo dan baa timid. In uu go’aan gaadho isaga oo waaqicca hor yaalla ku talo goosanaaya ayaa la gudboonayd, wuuna yeelay wixii la qumanaaday. Reer-Hargeysa, oo ah xarunta qabyaaladda Geeska, koley si fudud ku daawoobi maysaan ee ninkaas iyo wixii la jaad ah taageera. Jifo kasta dad wacan baa ka buuxa ee kuwaasi safka hore ha yimaadeen, hadii kale calaacalka ha la joojiyo.

 

Qalinkii: Maxamed Haaruun Biixi