Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Tabobbar u soo xidhay 400 Macallin

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye oo uu wehelinayey agaasimaha guud ee Wasaarada waxbarshada Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta tabobar u soo xidhay 400 oo macallin oo ay kulliyadda tabobarka macallimiinta qaranku ku tabobaraysey hannaanka wax baridda toolmoon ee macallinka looga baahan yahay.

Macallimiintan oo ah kuwa ka hawlgala dugsiyada hoose/dhexe ee guud ahaan gobolada dalka oo dhan ayaa xilliyada dugsiyadu fasaxa galaan ku qaata duruus kor loogu qaadayo aqoontooda kulliyadda tabobarka macallimiinta qaranka.

Qaar ka mid ah, macallimiinta tabobarkan loo soo xidhay oo munaasibadaa ka hadlay ayaa wasaaradda waxbarashada uga mahadnaqay, dedaalada kor loogu qaadayo aqoontooda.

Guddoomiyaha kulliyadda tabobarka macallimiinta qaranka Somaliland Axmed Cumar Quule ayaa ka war bixiyey duruusta ay qaateen barayaashani, waxaanu sheegay in ay soo qaateen seddex simistar (semester), isla markaana hadda uu u hadhsan yahay hal simistar oo kii u danbeeyey ah, kaas oo ay u soo noqon doonaan bisha lixaad ee sannadkan 2021-ka.

Agaasimaha guud ee Wasaarada waxbarashada Axmed Abokor Maxamed oo munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay, in tabobarkan looga gol leeyahay sidii aqoonta macallimiinta kor loogu qaadi lahaa, si ay u soo saaraan ardey ku qalabaysan aqoon tayeysan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye oo gunnaanadkii munaasibadaas ka hadlay ayaa tilmaamay, in tabobarkani ka mid yahay seddexda himillo ee u dejisan wasaaradda waxbarashada iyo sayniska kuwaas oo ay ka mid yihiin fiditaanka waxbarashada, maamul wadaaga waxbarashada iyo tayeynta waxbarashada oo tabobarkani ka mid yahay.

Geesta kale, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo saynisku waxa uu macallimiintan kula dardaarmay, in ay aqoontii halkan lagu baray uga faa’iideeyaan ardeyda wax ka barata dugsiyadii ay ka kala yimaadeen.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.