Qaramada Midoobay oo wada qorshe qarsoon oo ka dhan ah AMISOM

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa socdo qorsho cusub oo qarsoodi ah oo la doonayo in wax badan lagaga beddalo qaabka uu u shaqeeyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM oo muddo ka badan 10 sano ka socday Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo diblumaasiyadeed.

Qorshahan ayaa yimid kadib markii howlgalka Midowga Africa ee AMISOM la sheegay inuu galay xaalad hubanti la’aan ah kadib markii xasiloonida dalka Soomaaliya ayna weli dib usoo noqon.

António Guterres oo ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa guddi u saaray arrintan, wuxuuna warbixin uu u gudbiyey kaga codsaday inay isku soo raacaan mid kamid ah seddex qorshe oo oo uu hordhigay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Qorshahan cusub ee ka yimid dhanka António Guterres ayaa ah in Howlal Midowga Africa ee AMISOM laga dhigo mid ay maamusho Qaramada Midoobay, si loo gaadho ujeedka laga leeyahay howlgalkan dhanka Dhaqaalaha iyo xasiloonida Soomaaliya.

Dalalka ciidamadda ku deeqay ayaa hore u codsaday in Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ay la wareegto mas’uuliyadda guud ee maalgelinta howlgalka iyadda oo loo marinayo Golaha Ammaanka oo mas’uul ka ah amniga guud ahaan dunida.

Qorshaha labaad ee qorsheyaasha soo gudbiyaan ayaa ah in howlgalka AMISOM lagu bedelo mid isku-dhaf ah oo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ah, halka soojeedinta saddexaad ay tahay in dalalka Afrika oo dhan laga dhigo.

Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa muddo 10 sano ah ku guuleysan la’ in Al-Shabaab laga cidhibtiro gudaha Soomaaliya, waxayna taas keentay in dib u eegis lagu sameeyo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.