“Guddoomiyaha Maxkamadda Sare & Cid Kastaba Waannu Sumaynaynaa Madaxweyne..” Qoys Reer Somaliland ah

Hargeysa(Aftahannews):- Qoys ka tirsan Dadka degggan magaalada Balligubadle ee gobolka Hawd, ayaa ku Cawday in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ka reebay Liiska Dad dabayaaqada sannadkii hore dil lagu fuliyey Nin Sumeeyey Marxuumkii Qoyskaas 7 sannadood ka hor, kaas oo dilkiisa Maxkamaduhu xukumeen, Madaxweynaha Qarankuna saxeexay.

Qoyskan, ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ku eedeeyey inuu Liiska Dadkii la dilay ee Nin Marxuumka dhintay sumeeyey, isla markaana aanay garanaynin sababta uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed uga reebay Dadka dilka lagu fuliyey bishii 11-aad ee sannadkii dhammaaday ee 2020-ka.

Aabbaha iyo Hooyada Dhalay Ninka 7 sano ka hor la sumeeyey, Xaaskii iyo Ubadkii uu ka tegay Qaarkood iyo Xubno ka tirsan Ehelada iyo Odayaasha Qoyskaas, oo ka hadlay Muuqaal Warbaahinta qaarkeed baahisay Khamiistii shalay, ayaa sheegay inaanay intaas wax ka badan samri karin oo aanay Dilka ay toddobada sano sugayeen dib u sii sugi doonin ee ay sumayn doonaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Qof iyo Qoys kasta, maaddaama oo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ka badheedhay inuu baajiyo fulinta dilkaas, iyagana waaranno u diyaariyey siday ku doodeen.

Haddaba, Xubnaha Qoyskaas iyo Eheladooda Warbaahinta la hadlay, waxaannu hadalkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.