Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo sheegtay in Farmaajo yahay madaxweynaha kaliya ee ay caddahay in uu mar kale dib u soo noqonayo

Khadiijo Maxamed Diiriye
Khadiijo Maxamed Diiriye

Muqdisho (Aftahannews) – Wasiirka Wasaarradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye si cad u sheegtay in madaxweyne Farmaajo yahay madaxweynaha kaliya ee isaga oo aan muddo xileedkiisa dhameysan ay caddahay in mar kale dib loo dooranayo.

Khadiijo Diiriye oo dhinaca kalana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa hadalka ka sheegtay wareysi uu la yeeshay TV Somalia Cable, waxaana ay ku amaantay madaxweyne Farmaajo in muddadii 4 sano aheyd uu wax badan qabtay.

Khadiijo Maxamed Diiriye
Khadiijo Maxamed Diiriye

Wax yaabaha ay ku amaantay madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah in uu wax ka qabtay arrimaha bulshada, dhaqalaha, ciidanka iyo cadaallada iyada oo sheegtay in dib u dhis ballaadhan oo dhinaca jidadka ah la sameeyay muddadii uu xilka hayay.

Mar laga soo tago hadalka Wasiir Khadiija dhinaca kale waxaa jira eedeymo culus loo jeedinayo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la leeyahay waxaa ay ku fashilantay howlihii loo idmaday.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.