Somaliland Oo Waddan Afrikaan Ah Ka Dalbatay Inay La Isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka

Hargeysa (Aftahan) – Dawladda Somaliland, ayaa Dawladda Sierra Leone ka codsatay inay la isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka (Domain), maaddaama oo uu ku dhamaado SL oo u ekaan kara Somaliland.

Domain ayaa ah waxa Dawladaha Adduunku u adeegsadaan inay Magacooda raaciyaan Bogagga Internet-ka, sida (Google.so) ama (Google.co.uk), laakiin Somaliland oo muddo 30 sanadood ah ka Madax-bannaan Soomaaliya ayaan helin Madax-bannaani dhinaca Internet-ka ah, marka lagu eego indhaha Caalamka, waxaana jira (Google.so) oo u taagan Soomaaliya, balse taa beddelkeeda Somaliland ayaa doonaysa inay hesho Dhoomayn (Domain) siin kara Google.SL, kaasi oo ah ka Dawladda Sierra Leone.

Ma jiro wa rsmiya oo Dawladdu ku shaacisay arrintan, basle Warbaahinta Somalilandchronicle.com oo wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, ayaa shalay baahiyey warkan, isagoo soo xiganaya warqad ku qoran Afka Ingiriisiga oo uu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu Somaliland Dr. Cabdweli Suufi Jibriil uu u diray Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Sierra Leone, kaasi oo Magaciisu yahay Mr. Mohamed Rahman Swaray, taasi oo kaga dalbaday in Somaliland la isticmaasho furaha Internet-ka ee .SL.

Warkan oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo 

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office