Soomaaliya halkay kaga jirtaa liiska dalalka Afrika awooda ahaan?

Muqdisho (Aftahannews)- Wargeyska ka faallooda awoodaha milatari ee dalalka caalamka “Golobal Firepower ayaa sanadkan 2021-ka soo saaray liis uu ku xusay sida ay waddamada u kala awood badan yihiin, si gaar ahna qaaradda Afrika ayuu kasoo xushay 35 waddan.

Sidii badanaaba ay hore u ahaan jirtay, Soomaaliya ma aha dalka ugu hooseeya liiskaas, inkastoo ayn ka muuqanin kaalmaha ugu wanaagsan.

Masar ayaa ah waddanka militari ahaan ugu awoodda badanqaaradda Afrika, waxaana ku xiga dalalka Aljeeriya iyo Koonfur Afrika.

Dalalka Nigeria, Morocco, Itoobiya, Angola, Liibiya, Tuniisiya iyo Suudaan ayaa sida ay isugu xigaan u buuxinaya 10-ka waddan ee ugu milatariga fiican qaaradda Afrika.

Inkastoo ay jiraan dalal ay awoodda militariga aad isugu dhawyihiin, farqi sidaas u weynna aanu u dhaxeynin – sida Sierra Leone, Gabon iyo Afrikada Dhexe, haddana waddanka ku yaalla cidhifka ugu dambeeya ee geeska Afrika, Soomalaiya, ayaa ku jirta kaalinta 34-aad.

Soomaaliya ayaa militari ahaan dhinac walba uga awood badan waddanka Liberia, oo ku jira kaalinta ugu dambeysa ee 35-aad.

Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in la sheegay 35 waddan oo kaliya, halka dalalka Afrika ay ka badan yihiin 50 waddan. Taasi micnaheeda waa in dalalka aan liiska lagu soo darin ayna militari ahaan u dhisneyn.

Halkaasna waxaa ka cad in Soomaaliya iyo Liberia labaduba ay ka awood badan yihiin dalalka kale ee Afrika, ee aan liiskan xogtooda lagu sheegin.

Liiska 35-ta waddan ee Afrika iyo sida ay u kala horreeyaan

  • Masar
  • Aljeeriya
  • Koonfur Afrika
  • Nigeria
  • Morocco
  • Itoobiya
  • Angola
  • Liibiya
  • Tuniisiya
  • Suudaan
  • Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo
  • Kenya
  • Zambia
  • Uganda
  • Chad
  • Zimbabwe
  • Ghana
  • Niger
  • Mali
  • Botswana
  • Cameroon
  • Suudaanta Koonfureed
  • Tanzania
  • Ivory Coast
  • Mozambique
  • Jamhuuriyadda Kongo
  • Madagascar
  • Muritaaniya
  • Namibia
  • Burkina Faso
  • Afrikada Dhexe
  • Gabon
  • Sierra Leone
  • Soomaaliya
  • Liberia

Awoodda militari ee Soomaaliya

Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad kaga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 11,258,029.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,702,167 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,621,300 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 121,598 qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 20,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ayna lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

Soomaaliya waxay leedahay

10 taangi.

100 gawaadhida gaashaaman.

Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

30 madaafiicda la jiido ah.

10 qalabka lagu rikabo gantaallada.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3.

11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda muquurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya

Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya.

Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl.

Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $62,200,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $5,300,000,000.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,TELEFISHINKA QARANKA SOOMAALIYEED

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.

Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.

Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.

Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.