Taliyayaal loo xidhay falkii xalay lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan

Taliyayaal loo xidhay falkii xalay lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan
Taliyayaal loo xidhay falkii xalay lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan

Muqdisho (Aftahannews) – Waxaa soconaya baaritaan la xidhiidha dil xalay saqdii dhexe degmada Hodan ee gobolka Banaadir loogu geystay guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.

Laamaha nabad-galyada ayaa su’aalo weydiinaya oo soo xidhay taliyayaashii saldhigyada booliiska degmooyinka Howl-wadaag iyo Waabari, sidoo kale waxaa iyaguna xabsiga loo taxaabay ciidamadii ku sugnaa barta-koontarool ee lagu rasaaseeyay gaadhiga uu la socday guddoomiyaha.

Taliyayaal loo xidhay falkii xalay lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan
Taliyayaal loo xidhay falkii xalay lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan

Guddoomiyaha ayaa xiliga la dilayay marayay degmada Howl-wadaag waxaa la sheegay in ay rasaas ku fureen gaadhigiisa ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Shaley ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isaga oo ka yimid dalka Turkiga oo looga soo daweynayay dhaawacyo ka soo gaadhay qarax sanadkii hore lagu weeraray gaadhi uu la socday.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.