Xarunta Xuquuqda Aadamaha Somaliland oo si adag uga hadashay xaaladda Weriyeyaal ku xidhan Boorama

Hargeysa (Aftahannews) — Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa War-saxaafadeed ay Arbacada maanta soo saartay ku sheegtay inay inay ka xun tahay xadhigga afar Weriye oo tan iyo Sabtidii ku xidhan Saldhigga  Booliska ee magaalada Boorama, ka dib markii ay qoraallo kala duwan ka baahiyeen Maayerka Boorama.

Xarunta Xuquuqal Iinsaanku waxay cambaareynsay xadhiggaas, iyadoo Xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay si shuruud la’aan ah xorriyaddooda ugu soo celiso Afarta Weriye ee Boorama ku xidhan.

Waxaanay Xarunta Xuquuqal iinsaanku afarta weriye xadhiggooda ku tilmaantay mid aan sharciga loo marin.