Gud-gudaa i miray xalay. W/Q: Siyaasi Maxamed Ismaacil Warfaa

Tuducan yar ka dib waxaan uga socdaa talo iyo toosin anigoo isku dayaya inta garaadkaygu yahay inaan hogaq tusaaleeyo tolkay iyo tolwaynaha guud ee Somali maxamed gaar ahaan reer shekh isaxaaq, waxaa mudo badan ba soo jireen ahayd oo soo socotay in mar walba aynu xildhibaan dooranao inagoo ku dooranayna beelaysi, markaynu xilka saarnanan uu noqdo ninkaynu keenaa inuu dantiisa un ka hor mariyo dankasta haday tahay dan qaran iyo haday tahay dan sokeeyeba, waxaa inbadan soo noqnoqota oo xukumaduu ka socon wayaan mooshin hunguri wado ooy kolba soo dhigaan nimankaynu dooranay iska daa horumar iyo qorshayaal cad cad ooy la yimaadaane, hayeeshee waxaan manta qalinka u holaday inaan talo soo jeedin iyo hogo tusaalayn isugu daro anigoo ka duulaya war ilmadeerayaal maxaynu korodhsanayn maxayse inoosoo kordhiyeen nimankaynu doorana, sidaynu u xakamayn karnaa oo uga hor tagi  karnaa hagardaamooyinka ay inoo gaysanayaan iyo danaysigooda shaqsiyadeed waxaan aad ugu han waynahay in tolkay talooyinkan ku dhaqmi doonaan ooy wax u tari doonto idamka allah.

Waxaa inasoo daashaday inaynu doorano niman ismahadiya marka xilka loo dhiibo, ismahadintooda dhibta iyo xumahay ku kaacana ay saamayso dhaman ciday kazoo jeedaan, hadaba si aynu u doorbidno inaan sumcadeena shaqsi yaroo aynu dooranay aanu ku ciyaarin ooynu ka doorbidno inaynu ilashanao dawladnimada iyo sharafta qabiiladeena waxaan soo jeedinayaa dhawrkan qodob ee hoos ku qoran.

Talo soo jeedin

In reer kastaaba samaystan Gudiyo hoose oo tiradooda la isla qaatay kana kooban haldoorka iyo odayaasha reerka goaana ka gadhi kara ciday soo sarayaan iyo ciday dooranayaan.

In odayadu hadii uu xubintoodu ku gafto dastuurka iyo dawladnimada kuna qanci wayaan nidamkay wadaan in ay dib uga fadhiisan karaan ooy odhan karaan hanaloo badalo.

In gudidaasi wada shaqayn dhaw la yeeshaan nidaamka maamul dawladeed ee markaas jira.

Wa bilaahi tawfiiq

Siyaasi Maxamed Ismaacil Warfaa