Diiwaanka Xisbiyada Siyaasadda Itoobiya oo Laga Saaray TPLF

Addis Ababa (Aftahannews) — War ka soo baxay guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba diiwaanka Xisbiyada dalkaasi laga saaray TPLF oo ah xisbi ay ku xoogganaayeen hoggaanka Tigrayga ee lagaga adkaaday dagaalkii dhawaanta ka dhacay Waqooyiga dalka Itoobiya.

Guddi ayaa taalaabadooda u cuskaday in TPLF ay ka danbeeyeen qalalaasihii iyo dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka Itoobiya.

Dhinaca kale, guddiga doorashooyinka ayaa ka dalbaday saddex xisbi oo kale oo  dhisan gobolka Tigrayga in ay jawaab ka keenaan doorasho ay kala qeyb qaateen TPLF taasoo ka dhacday gobolka Tigrayga, inkastoo xisbiyadaasi aan la sheegin in iyagu laga saaray diiwaanka.

Dowladda Itoobiya ayaa saraakiishii sar sare ee Tigrayga qaarkoodna dishay, halka kuwa kalena ay xabsiga dhigtay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.