Dowladda Soomaaaliya oo beenisay in Askar tababar loogu qaaday Eritrea lagu laayay dagaalkii dhaxmaray ciidamada Itoobiya iyo TPLF

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay warar soo baxay oo sheegaya in dhalinyarro tababar loogu qaaday dalka Eritrea ka qayb qaateen laguna laayay dagaalkii dhaxmaray ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo TPLF

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in ayna jirin Askar Soomaaliya ah oo ku lug yeeshay dagaalka Itoobiya ama lagu dilay

“Ma jiraan Askar Soomaaliyeed oo Itoobiya naga dalbatay ama ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigreyga, waa warar mala awaal ah, waana waxba kama jiraan ayuu yidhi Wasiir Dubbe oo ka hadlayay TV Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe

Saraakiil hore iyo Siyaasiyiin ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in dhalinyarro badan oo Soomaaliyeed lagu laayay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka Waqooyiga Itoobiya ee Tigreyga kaddib markii ay dowladda Soomaaliya u dirtay in ay ka qeybqaataan dagaalkaas waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hasse ahaatee Wasiir Dubbe ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya la siyaasadeeyo, laakiin dhinaca kale waxaa uu Wasiirku ka war wareegtay in ay jiraan ciidan Soomaaliya ah oo tababar u jira dalka Eritrea.

”Ciidamada Soomaaliya dalal kala duwan oo caalamka ah ayaa lagu tababaraa, micno badan ma sameyneyso in aan hadda dal gaar ah carabka ku dhufano, laakiin waxaan cadey-nayaa in ayna jirin ciidan Soomaaliya ah oo ka qeybqaatay dagaalka Itoobya ayuu yidhi Wasiirku.

Waalidiin badan ayaa wal wal iyo walaac ka qaba halka ay ku danbeeyeen wiilashoodii tababar loogu qaaday dalka Eritrea kaddib markii uu soo baxay warka ku saabsan in dhalinyarro badan oo Soomaaliyeed u dhinteen dagaalkii Waqooyiga Itoobiya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.