Madaxweyne Farmaajo oo danjirayaal ka guddoomay warqadaha aqoonsiga

Madaxweyne Farmaajo oo danjirayaal ka guddoomay warqadaha aqoonsiga
Madaxweyne Farmaajo oo danjirayaal ka guddoomay warqadaha aqoonsiga

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Salaax Axmed Juneyd iyo Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger.

Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Salaax Axmed Juneyd ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-Qayd, isagoo uga mahadceliyey Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran.

Danjire Salaax Axmed Juneyd ayaa tilmaamay in uu dadaal ku bixin doono xoojinta taageerada iyo garab istaaga dowladda Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyey horumarka wax ku oolka ah ee ay gaadheen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo danjirayaal ka guddoomay warqadaha aqoonsiga
Madaxweyne Farmaajo oo danjirayaal ka guddoomay warqadaha aqoonsiga

Sido kale, Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger ayaa u gudbiyey Madaxweynaha dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Guy Parmelin, oo ku saabsanaa in dalkaasi uu saaxiib dhaw la yahay shacabka Soomaaliya, xidhiidh soo jireen ahna uu kala dhexeeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la wadaagay danjireyaasha uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xidhiidhka ku dhisan iskaashiga, saaxiibtinimada iyo wax-wada-qabsiga.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.